Xildhibaan Fiqi oo ka hadlay arrintii xalay lagu sameeyey guddoomiye Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha Maamulka Galmudug ahna xildhibaan ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayey xafladdii xalay loogu dabaal dagayey munaasabadda 26 June ayaa duray sida Villa Somalia ula dhaqanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo lagu casuumi waayey xafladda..

Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare oo ah odayga ugu da’da weyn islamarkaana ugu xilka sarreeya dadka reer Waqooyiga (Somaliland) aan lagu casuumin xafladda lagu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay kasoo qeyb galeen madaxda kale ee dowladda dhammaantood.

“Xalay waxaa loo dabaal-dagayey munaasabadda 26 June oo ah maalinta xoriyadda Gobolada Woqooyi (Somaliland) balse sidii caadada ahaan jirtay guddoomiyaha aqalka sare Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah odayga ugu da’da weyn isla markaasna ugu xilka sarreeya dadka reer woqooyi (Reer Somaliland) goobjoog kama uusan ahayn mana garab taagneyn Md. Farmaajo, goobta munaasadda ka dhacaysayna gurigiisa tallaabooyin ayey u jirtay” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale siyaasiyiinta kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya ku eedeeyey inay ku shaqeenayaan siyaasad ku dhisan munaafaqnimo isla markaasna wuxuu sheegay in aysan is laheyn waxa ay afka ka sheegayaan in ficilkooda.

” Haddii gobolada xoriyadda loo dabaaldagayo xaaladda ay ku sugan yihiin waqtigaan la joogo aan is hilmaamsiino, una xafladeyno sidii todobaataneedyadii loo xafladayn jiray, haddii dadkii midnimada u taagnaa kuwoodii u waaweynaa aan la qadirinayn laguna dul xafladaynayo, sow ma muuqato in madaxda reer Koonfurtu ay weli munaafaqaynayaan, dhabna aysan ka ahayn waxa ay afka ka sheegayan”  ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Guddoomiyaha Aqal Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaan xalay lagu casuumin xafladdii lagu qabtay Villa Soomaaliya, waxaana weli muuqato inuu taagan yihiin khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labadaan Mas’uul ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey is khilaafsanaa, waxaana ugu dambeeyey khilaafka ka dhashay sida loo maamulayo kuraasta reer waqooyiga ee taalo Muqdisho, wuxuuna sidoo kale Cabdi Xaashi si weyn uga hor yimid qorshihii uu Farmaajo ku doonayey inuu ku sameysto muddo kordhin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaana dhawaan wax kama jiraan ku tilmaamay illaa 6 digreeto uu soo saaray madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi, wuxuuna sababta ku sheegay inaan loo marin wadadii sharciga aheyd.

Madaxweynaha waqtigiida dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa afartii sano ee uu xilka hayey wuxuuna hoos u dhigay awooddii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in xildhibaanada qaar lacag lagu laalushay halka kuwa kalana loo adeegsaday awood ciidan.