Canada oo qaxooti badan oo SOOMAALI ah qaadaneysa iyo DALKA laga qaadayo

Toronto (Caasimadda Online) – Dowladda Canada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay qaadaneyso in ka badan 240 oo badankood qaxooti Soomaaliyeed ah oo ay sharci la’aan ay ku heysato dalka Australia.

Dadka ay Canada qaxooti ahaan u qaadaneyso oo intooda badan ah Soomaali ayaa waxaa sharci u diiday Dowladda Australia, waxayna 150 kamid ah ku xareysan yihiin xeryaha qaxootiga halka inta kalana loo ogolaaday inay sharci la’aan gudaha ugu noolaadaan.

Qorshaha lagu qaadayo qaxootigaan ayaa waxaa iska kaashanayo Dowladda Canada iyo Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNCHR, waxayna Canada ballan qaaday inay qaadi doonto dhammaan qaxootiga ay Australia u diiday Sharciga.

Go’aankan ay ku dhawaaqday Canada waxa soo dhoweeyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan waddanka Australia kuwaas oo la hadlay Idaacadda VOA qeybteeda afka Soomaaliga.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa hadda waxa ay ku nool yihiin dalka Canada iyadoo ay hada dalkaas ka hayaan shaqooyin sar-sare.

Sanad walba gudaha Canada waxaa gala boqollaal qaxooti African ah kuwaas oo magan gelyo u doonta dalkaas, waxayna Dowladda Canada sanadkaan qorsheeneysaa inay qaado Boqolaal kun oo Qaxooti ah.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixintaan oo dhameystiran