Puntland oo shaacisay inay ka go’eyso Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ku hanjabtay inay ka go’ayso Jamhuuriyada Soomaaliya, kadib khilaaf muddo badan soo jiitamayey oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, midaasi oo ay dab kusii shiday xiisada doorashada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo maanta ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas ayaa waxa uu sheegay in Puntland aysan marnaba aqbaleyn wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Xasan Abgaal ayaa ku dooday in dastuurka Puntland qoddobo kamid ah uu xaq u siinayo inay ka go’do Soomaaliya haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay haddii la waayo dowladda federaal oo dhowreysa heshiisyada iyo dastuurka dalka inay xaq u leeyihiin gooni-goosad, midaasi oo ka dhigeysa maamul goboleedkii labaad ee madax-banaani ku dhawaaqa, marka laga imaado Somaliland.

Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay doonayso dowlad goboleedyo dhisan iyo dowlad dhexe oo wax wadaag, laakiinse aysan dooneyn hal qof wax uu xukumo, taasi oo dalka u horseedaysa bur-bur hor leh.

Arrintan ayaa noqoneysa haddii ay ku dhaqaaqdo Puntland fur-furka nidaamka federaalka oo ay hore uga maqneyd Somaliland, oo iyadu muddo 30-sanno ah ku doodeysay inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, waxayna kusoo aadeysa xili ay si weyn isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Puntland.