Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah

Garowe (Caasimada Online)-Guddiga ka hor tagga iyo wacyi gelinta cudurka Coronavirus ee maamulka  Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyeen deegaanada Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo ka tirsan guddigaas ayaa goor dhaweyd warbaahinta u sheegay in 5-qof oo ku nool deegaanada Puntland maanta laga helay xanuunka Coronavirus.

Shantaas qof ayuu sheegay wasiirku inay ka mid ahaayeen illaa 11 qof oo laga baaray xanuunkaas, waxuuna maamulku xarun gooni ah ku karaantiilay dadkaas, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland.

Afar ka mid ah shantaas qof waa rag, halka qofka kele uu yahay dumar, wasiirka caafimaadka Puntland waxa uu sheegay in dadkaas aysan meelna uga bixin deegaanada Puntland oo aysan sameyn wax safar ah, sidoo kale da’dooda ayuu sheegay inay u dhaxeyso 14 ilaa 33-sano jir, waxayna tirada guud ee kiisaska deegaanada Puntland gaartay lix xaaladood.

Puntland ayaa Sabtidii maanta sheybaarka lagu ogaado qofka qaba xanuunka COVID-19 waxa ay ka hir gelisay magaalada Garowe ee xarnta maamulka Puntland, waxayna taasi meesha ka saartay caqabadii aheyd in qofkii looga shakiyo cudurkaas dheecaankiisa loo diri jiray meel ka baxsan Puntland, si loosoo baaro.

Xukuumadda iyo hey’addaha kala duwan ee maamulka ayaa kaalin weyn ka qaatay hirgelinta sheybaarkaas oo hoos  tegaya wasaaradda caafimaadka Puntland, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Sidoo kale waxay la sheegay in sheybaarkaas maalintii lagu baari karo illaa 100 qof, isla markaana uu natiijadooda lagu heli karo 24-saac gudahood.

Puntland ayaa horey u xaqiijisay hal kiis oo Coronavirus ah, kadib markii dibadda loo diray dheecaankiisa qofkaas oo la sheegay in hadda ay xaaladiisu soo hagaageyso.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxay shaaciyey in xarumaha karantiika ee laga hir geliyey degaanada Puntland ay ku jiraan illaa 30 qof oo looga shaki qabo COVID-19, kuwaas oo qorshuhu yahay in lagu baaro sheybaarka cusub ee laga hir geliyey Garowe.