Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay iney dib kalsoonida ugu soo celiyeen Talafishinka qaranka Soomaaliya ayna u fasaxeen inuu ka shaqeyn karo deegaanada Puntland.
Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cabdulaah Xaashi Warsame Puntland oo la hadlay Puntland ayaa sheegay in dib u siiyeen ruqsada shaqo SNTV.
Wuxuu sheegay inuu kulamo waqti qaatay la qaatay wariyaasha ka shaqeeya deegaanada maamulka Puntland, islamarkaana wariyihii been abuurka faafiyay uu qirtay dambigiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]