Puntland oo sii deysay rag sanad ka badan u xirnaa dilkii iyo kufsigii Hodan Shanlayste

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xasbiga ka deysay lix ka mid ah 7 nin oo loo heystay fal isugu jira dil iyo kufsi, kuwaas oo sanad ka badan ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Raggan ayaa maxkamaddu ay dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii ay shaacisay in lagu waayey dambigii lagu soo eedeeyey.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa xusay in baaritaano kala duwan lagu sameeyay todobada eedaysane, islamarkaana loo adeegsaday shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab, ayna soo saareen natiijooyin isku mid ah oo caddaynaya in aysan dambigaasi gelin.

Sidoo kale wuxuu amray in xabsiga lagu hayo eedeysanaha 7-aad oo wareysiyo hore uu bixiyey ku qirtay inuu ku lug lahaa falkaasi, si baaritaano kale loogu sameeyo.

Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay falkan oo sanadkii hore lagula kacay haweeney lagu magacaabi jiray Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.

Dhinaca kale qoyska dhibanaha ayaa ka hor yimid go’aanka maxkamada, waxaana xubno ka tirsan qoyska ay sheegeen in la dayacay kiiskaas, islamarkaana si fudud lagu sii daayey eedeysanayaasha, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa kale oo au intaasi ku dareen inay racfaan ka qaateen go’aanka maxkamada, ayna ku dadaali doonaan, sidii ay cadaalad ku heli lahayd marxuumada.

Si kastaba ha’ahaatee Puntland ayaa horey ugu guulaysatay inay xukun ku riddo, laguna fuliyo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan.