Puntland: Somaliland waa sida hasha geela cunta ee haddana cabaada (Maqal)

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, isgaarsiinta, Hidaha,Dhaqanka & Boostada Puntand, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka hadlay xaaladda Tukaraq, afduubka dad shacab ah loogu gaystay degaanka Caynaba iyo hadalkii Faysal Cali Waraabe.

Wasiirku waxaa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo Puntland kala galayso Somaliland ee ku aadan arrimaha Gobolka Sool.

Mar la weydiiyey in ay jiraan dadaalo beesha caalamku ay wado oo la xiriira dhex dhaxaadin labada maamul ayuu yiri “Adeer Somaliland waa hasha geela cunta oo haddana cabaada, arrinta beesha caalamkana, ma jiraan cid aan wadan kayaga wada hadal kala galayno, cidii hadal rabtaa waa inay ciideedii tagtaa oo ka baxaan dhulka aanay lahayn”

Wasiir Qarjab waxaa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed gobol kasta haka yimadeene aan laga lahayn oo ay joogi karaan, iman karaan, wax ka baran karaan, ka ganacsan karaan Puntland, oo aysan jirin cid waxyeelaynaysa.

“Waxaan aaminsanahay in aan dhulka laga lahayn isu socodka bulshada aan cidna xanibaad u gaysan karin sida maammulka Soomaalidiidka ah oo dadka shacabka ah ee ku safraya wadada dhibaateeya” ayuu yiri.

Halkaan ka dhagayso codka Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com