Hanjabaad aan dhammaan Puntland: Waxaa ka hortageynaa qatar inooga soo socota dhanka…

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Somaliyed ee Puntland ayaa si cad u sheegay inay ka hortagayaan waxa ay ugu yeeraan khatar kaga soo wajahan dhanka Gobolada Dhexe, gaar ahaan Magaalada Cadaado oo maamul loogu sameynaayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

War saxaafadeed kasoo baxay shir Golaha Wasiirada Maamulkaasi ay maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe ayaa looga hadlay arinta ku aadan shirka ka socda Magaalada Cadaado.

Waxa ay sheegeen Puntland inaysan aqoonsan doonin maamul kasta oo looga dhawaaqo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

“Dowladda Puntland waxa ay mar kale si cad u sheegaysaa inaysan aqoonsan doonin Maamul Kasta oo looga dhawaaqo magaalada Cadaado , Islamarkaana ay ka hortageyso khatarta kasoo socota deegamadaasi masuuliyad darada Maamulkaasina ay dusha u ridan doonto Dowladda Federalka Somalia.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Hadalkaan kasoo baxay maamulka Puntland ayaa muujinaya dhiilo colaadeed, maadaama Puntland ay ku goodinaysa inay u diyaarsan tahay ka hortaggida Khataro ay sheegtay inay kaga soo fool leeyihiin Gobolada Dhexe.

Maalmo ka hor waxaa Saxaafadda la hadlay Musharax C/qaybdiid oo sheegay in Puntland halka ay wax ka aragto aysan wax ka arkin hadii ay yihiin dadka Gobolada Dhexe, wuxuuna si cad u sheegay in dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe macnihiisa uusan aheyn in dad lagu dhibaateeyo.

Maamulka Puntland ayaanan marnaba raalli ka aheyn in cagaha uu isku taago Maamulka Galmudug ee maalinta Sabtida Madaxweynaha loo dooran doono.

WARSAXAAFADEED-2-2JULAY00011

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com