XOG: SOMALILAND oo isku ballaarineysa SOOL

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaano hoostaga Gobolka Sool, ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay isku ballaarinayaan deegaano hoostaga Gobolkaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Cutubyo ciidan oo ka amarqaata Maamulka Siilaanyo ay ka dhaqaajiyeen Gobolka Sool kuwaasi oo fariisimo cusub ka sameystay deegaanka Widhwidh.

Ciidankaani oo ujeedkoodu yahay in deegaano hoostaga Sool ay ka saaran Ciidamo taabacsan Khatoumo ayaa waxaa la sheegayaa inay qorsheynayaan guluf dagaal oo ay ku qaadan Deegaano dhowr ah oo iminka ay ku sugan yihiin Ciidamada Khatoumo deegaanadaasi oo ay sheegato Somaliland.

Ciidamo kale oo ka tirsan Somaliland ayaa iyaguna gacanta ku dhigay degmada Buuhoodle kuwaasi oo hordhac u ah Ciidamada kale.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Khatoumo ay faarujiyeen Deegaanka Widhwidh, kadib markii ay ka warheleen in uu kusoo wajahan yahay guluf colaadeed oo dhanka Somaliland ah.

Maamulka Somaliland ayaa horay uga ceyrisay Maamulka Khaatuma magaalada Taleex iyo deegaanka Saaxo ee dhaca xuduuda uu gobolka Sool la leeyahay Ethiopia.

Dhanka kale, Somaliland ayaa ka didsan Ciidamada isku dhafka ah oo ay wado DF Somalia kuwaasi oo ay Somaliland ku sheegtay in ujeedka loo aasaasayo uu yahay si loo barakiciyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com