Video: Ka naso siyaasadda: R/W Farmaajo oo ka sheekeynaya noloshiisa gaarka ah (DAAWO) !!!!!

Reysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay bixiyey wareysi ku saabsan Noloshiisa gaar aheyd laga soo bilaabo ilaa yaraantiisa, heerarka Waxbarashada, Sports-ka Fanka iyo Arimo kale oo aad u xiiso badan.
Wareysiga oo ahaa mid qurseeya Arimaha Bulshada ayaa waxaa lagu faaqiday Waxyaabo ay ka mid yihiin Dharka uu jecel yahay in uu xerto, Raashiinka uu jecel yahay iyo Arimo kale waxana Wareysigani Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku qaaday Wariyaha Tv-ga Universal ee dalkaasi Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo)
Wareysigani oo dad badan si weyn usoo jiitay ayaa ku soo aadaya Xilli uu Mudanaha uu ku dhawaaqay Xisbi cusub ee tartami doono doorarshada 2016 ka dhici doono dalka Soomaaliya waxana xisbiga Farmaajo loogu magac daray TAYO, Waxana halku dhig u ah Cadaalad, Midnimo iyo Tanaasul.
HALKANI KA DAAWO VIDEO WAREYSIGA.