XOG: Guuleed oo niyad jabay iyo XASAN Sheekh oo talo ay gacantiisa ka baxday kuna siganaya…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Magaalada Cadaado ay ku hardamayaan Musharaxiin dhowr ah oo u tartamaayo qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug, ayaa waxaa hadana soo baxaya warar sheegaya in musharaxiinta qaar ay lasoo daristay niyad jab.

C/kariin Xusein Guuleed oo kamid ah Musharaxiintaasi ayaa iminka walaac ka muujinaayo suuragalnimada inuu ku guuleysto hanashada xilkaasi madaxtinimo.

Guuleed oo goor sii horeysay dhaqaale adag ku bixiyay helida kalsoonida xildhibaanada, ayaa waxaa hadana u muuqaneyso in tartankaasi looga awood badan yahay bacdamaa golaha sare ee Baarlamaanka Galmudug ay qabsadeen Xubno ka tirsan Ururka Aalla Sheekh oo horay uga arimin jiray dalka Somalia.

C/llahi Faarax oo kamid ah ergada ayaa sheegay in C/kariin Guuleed ay la soo daristay Siyaasad muujineyso hoos u dhac, waxa uuna tilmaamay inuu aad uga niyad jabsan yahay kusoo bixitaankiisa Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Guuleed uu yahay shaqsi bixiyay dhaqaale farabadan balse ay kasoo hoos baxeen xubno kale oo iyagu ku socda farsamo iyo siyaasad cajiib ah.

Guuleed ayuu sheegay in niyadiisa ay hoos u dhacday tan iyo markii Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku guuleysan waayey ninkii ka socday kooxda Damjadiid u matalaayay halkaas ee Cabdullahi Aasbaro.

Waxa uu sheegay in xilka Madaxtinimo uu ugu cadcad yahay Axmed Mcalim Fiqi oo uu sheegay inuu ku hadaf yahay Xubnaha iminka qabsaday Baarlamaanka, waxa uuna carabaabay intaasi ay meesha ka saareyso hamigii uu lahaa C/kariin Gulleed.

Fiqi oo ka tirsan Aala Sheekh, ayay u badan tahay inuu hana doono xilkaasi, waxa uuna saadaaliyay in Axmed C/salaan uu la bixi doono Guuleed.

Geesta kale, Taageerayaashii Guuleed ayaa usoo jabay dhanka Axmed Fiqi, waxaana saacadihii ugu danbeeyay Cadaado ka socday kulamo gaar gaar ah oo Axmed Fiqi uu ku kasbanaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo iyagu leh xulista Madaxweynaha Maamulka.

Xasan Sheekh oo isagu dhaqaale culus ku bixinaayay C/kariin Guuleed ayaa quus ka taagan siyaasada marka qura is bedeshay waxa uuna halis ugu jiraa inuu hakin doono lacagihii uu ku bixin lahaa Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com