XOG: Ethiopia oo MUQDISHO usoo fariisaneysa siinka dheer (SHARIIF XASAN oo amar la siiyey)

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ayaa Shariif Xasan ka dalbaday in Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM saldhig looga dhigo ilaa Deegaanka Siinka dheer, oo u dhow Muqdisho.

Dad xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiisha Ethiopia ay Shariif Xasan ka dalbadeen in Ciidamada kale ee AMISOM ay kawada baxaan Gobolada Sh/Hoose si ciidamada Ethiopia ay xor ugu noqdaan gabi ahaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu soo dhoweeyey go’aanka ciidamada Ethiopia, uuna dalab u gudbin doono madaxda Amisom.

Qorshaha Ciidamada Burundi ay uga soo baxeen fariisimihii ay ku lahaayen Sh/Hoose ayaa qeyb ka ah arrintaas, waxaana Burundi ay Ethiopia ku eedeeyeen inay ku lug lahayd weerarkii lagu qaaday xaruntooda Leego, si meesha looga saaro. Halkan ka aqri.

Warar aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay dib uga laabanayaan Deegaanada Sh/Hoose oo ay rabaan inay gacanta ku wada dhigaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com