Putin oo dalal u aqoonsaday gobollo ka tirsan Ukraine, kadib soo saaray amar xasaasi ah

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aqoonsaday laba gobol oo sheegay inay ka go’een bariga dalka Ukraine oo ay yihiin dalal madax-banaan, taasi oo sare usii qaaday xiisadda kuna abuurtay Reer Galbeedka cabsi ah in dagaal weyn uu qarxi karo.

Putin ayaa kadib amray ciidamada Militariga Ruushka inay galaan labadaas gobol si ay uga fuliyaan howlgal uu ugu yeeray “nabad-ilaalin.”

Tallaabada uu qaaday Putin ee uu Jamhuuriyado ugu aqoonsaday labada gobol ayaa aastay heshiiskii nabadda ee jilicsanaa ee 2015, waxayna albaabada u furtay in Ruushka ay faro-gelin militari oo toos ah ku sameeyaan Ukraine.

Laba wareegto oo rasmi ah oo uu soo saaray ayuu Putin ku amray wasaaradda difaaca Ruushka inay “shaqo nabad-ilaalin ah’ ka billowdo gobollada Donetsk iyo Lugansk.

Moscow ma aanay bixin wax faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamada loo dirayo labada gobol, waxaana wareegtada lagu qoray “inay dhaqan-galeyso marka la saxiixo.”

Russia ayaa tobanaan kun oo askari u dirtay xuduudaha Ukraine, ayada oo Reer Galbeedkana ay sheegeen in Moscow ay qorsheyneyso inay u adeegsato weerar dhici kara daqiiqad kasta.

Wareegtada uu soo saaray, ayuu sidoo kale Putin ku amray wasaaradda arrimaha dibedda “inay xiriir diblomaasi” la yeelato “labada Jamhuuriyad”.

Qoraal kasoo baxay baarlamanka Ruushka ayaa sidoo kale “lagu aas-aasay sharciyadda labada dal iyo joogitaanka militariga Ruushka oo loo arko inay lagama maarmaan u tahay nabad ilaalinta gobolka iyo sugidda amniga.”

Ruushka iyo labada gobol ee goostay ayaa sidoo kale isku raacay inay wadaagaan saldhigyada militari, islamarkaana ilaaliyaan xuduudaha.

Goor sii horeysay, hoggaamiyaha Ruushka ayaa ka dalbaday Ukraine inay hakiso howlgallada militari ee ka dhanka ah mucaaradka Moscow ay taageerto ee Bariga Ukraine, ama ay wajihi doonto dhiig badan oo daata.