Rooble oo qorshe kale u dagay kursiga uu ku guuleystay Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh ayaa ka taagan baahinta natiijada kursigii uu shalay ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee HOP#086.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu daabacay natiijada iyo inuu Fahad ku guuleystay kursigaas, balse wax yar kadib waa laga saaray, iyadoo xafiiska Ra’isul wasaaruhu uu qaaday tallaabo lagu sugayo ammaanka waxyaabaha ka baxa warbaahinta dowladda.

Wax yar kadib waxaa faafaahinta doorashadii ka dhacday magaalada Beledweyne laga dhigay 5-kursi, iyadoo qoraal ahaan looga tagay kursigii lixaad ee uu ku guuleystay Fahad Yaasiin.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa weli ku kala jaban kursigaan, qeyb guddiga kamid ah ayaa dhawaan soo saartay qoraal sheegayey inaan la qaban karin doorashada kursigaas, balse HirShabelle ayaa diiday qoraalkaas.

Sidoo kale, isla maanta Guddiga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiiyeen natiijada doorashada kurisga HOP86 ee uu ku guulaystay Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa shalay lagu doortay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, xilli ay shalay goobta joogeen siyaasiyiin heer Federaal, xubno ka socday Hirshabelle, saraakiil ciidan iyo xubno ka socday guddiga doorashada heer Federaal. Balse xafiiska Ra’isul wasaare Rooble ayaa la xaqiijiyey in uusan weli ka quusan dagaalka kursigaan.

Ilo muhiim ah oo ka tirsan xafiiska Ra’isul wasaare Rooble ayaa xaqiijiyey in doorashada kursigaan inaan la aqbali doonin si walbaba, waxay sheegeen in la dajiyey shaxda kursigaan kor loogu heyn doono, illaa ay kasoo dhammaato doorashada madaxweynaha, taas oo la rabo in Fahad lagu dhaafiyo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo damac weyn uu kaga jiro.

Shaqada hadda socota waxaa kamid ah in guddiga xalinta khilaafaadka uu joojiyo natiijada kursigaan, maadaama ay HirShabelle diiday hadalkii qeyb kamid ah guddiga doorashada heer Federaal ee ahaa inaan la qaban doorashada kursigaan.

Xafiiska Ra’isul wsaaare Rooble waxay heystaan Nin la yiraahdo Khaalid oo la sheegay inuu u sharaxnaa kursigaan HOP#086 kaas oo dacwad u gudbinayo guddiga xalinta khilaafaadka halkaas ayeyna guddiga ka heli doonaan qiil ay kursigaan ku hakiyaan.

In guddiga xalinta khilaafaadka aqbalaan arrintaan oo ay kursigaan joojiyaan ama baaris kadib soo jeediyaan in lagu noqdo doorashadiisa oo hab sax ah loo maro waxay dhaawac ku tahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo mar ahaa siyaasi awood badan ku dhex leh Dowladda Soomaaliya oo aan lagu dhiiran kaarin.

Xubnaha aan la hadalnay ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxay intaas ku dareen in la bilaabo doono bixinta shahaadada xildhibaanada ee guddiga heer Federaal iyadoo uu qorshuhu yahay in si walbaba uusan Fahad shahaado qaadan.

Marka la eego halka uu gaarsiisan yahay dagaalka uu Rooble kula jiro Fahad waxaa muuqata inay Fahad sugeyso shaqo cusub oo ah inuu kursigiisa xalaaleysto.