Daawo: La-taliyaha Farmaajo oo kacdoon uga dhawaaqay Kismaayo markii loo diiday…

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#072, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

La-taliye Cabdi ayaa sheegay in maanta uu gaaray magaalada Kismaayo, si uu ugu tartamo kursigaas, balse waxa uu sheegay caqabad uu dhaafi waayey inuu kala kulmay tallaabadii koowaad ee uu qaaday, si tartanka doorashada uu isugu diyaariyo.

“Markii aan soo gaaray Kismaayo waxaan abaaray halka laga qaato warqadda xaqiijinta amniga, balse waa la ii diiday, mar kale waxaan aaday goobtii shahaadada musharaxnimada laga qaadanayey, balse waxay igu xujeeyeen warqadihii la ii soo diiday ee amniga,” ayuu yiri Cabdi Cali Raage.

La-taliyaha doorashooyinka ee Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha soo xulaya ergada kursigaas ee liiskooda la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa ee beesha.

“Odayaasha beesha Maqaabul wax talo ah kuma laha kursigaas, go’aankoodu waa in aysan wax shaqo ah ku laheyn wixii ka soo baxa natiijada boobka ku socda kursigaas, waxaan u sheegayaa beesha iska leh kursigaan in boob xoog leh uu socdo, kamana hari doono ilaa meesha u dambeysa aan isla gaarno,” ayuu yiri.

Cabdi Cali Raage ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, isagoo sheegay in beeshiisa Maqaabul uu mudo dheer ku soo tacadinayey, isla markaana uu hadda diyaar u yahay inuu hoggaamiyo kacdoon ka dhan ah.

“Waxaan rabaa inaan u sheego dadka in kursiga beesha Maqaabul hadii qof aysan beeshu dooneyn uu siiyey Axmed Madoobe ay ka dhigan tahay inuu bixiyey kursiga beeshiisa, arrintaan waxaa iyadoo Axmeed Madoobe kursiga beeshiisa uu bixiyey oo kale,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ninkaan ayaa beeshiisa iyo dadka kale ee wax ka tirsanaya nidaamnka ka jira Jubbaland waxuu ugu gacan haatiyey inay ku soo biiraan dhaqdhaqaaq uu hoggaamin doono oo ka soo hor jeeda maamulka Axmed Madoobe, isagoo sheegay in la joogo waqtigii Jubbaland ay ka bixi laheed gacanta Axmed Madoobe, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo