Muqdisho (Caasimada online) – Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa in la badalo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyada oo ay socoto dadaaladii ugu dambeeyay ee ku aadan badalida guddoomiyaasha degmooyinka.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed in xafiiskiisa ay buux dhaafiyeen warqadaha codsiga iyo taariiq nololeedya shaqsiyaadka xilalka doonayo.
Qaabka cusub ee la doonayo in loo maro wax ka badalida guddoomiyaasha degmooyinka ayaa ah in guddoomiye cusub uu la shaqeyn doono hal xoghaye, waxaana la sheegay inay tahay qaab cusub oo uu la yimid guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in meesha laga saarayo guddoomiye ku xigeenadii badnaa ee la shaqeynayay guddoomiyaha degmada, waxaana lagu soo koobayaa Guddoomiye iyo xogheynta degmada.
Guddoomiyaasha degmooyinka ayaa waxay sugayaan inay xilka weyn doonaan iyo inkale, iyadoo ay jiraan dad badan oo u hanqal taagaya xilalka guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

