Qaar ka mid ah hoteellada Jowhar oo qaaday tallaabo lama filaan ah xilli ay ergo badan joogaan magaalada

Jowhar (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar ka mid ah hoteellada magaalada laga diiday in laga kireeyo ergada iyo wafuuda kale ee Jowhar ku sugan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in hoteelladaan dadka iska leh ay soo waceen xubno ka tirsan Al-Shabaab loona sheegay in la beegsan doono dhismaha, sidoo kalane la beegsan doono milkiiliyaasha iyo shaqaalaha, hadddii ay dejiyaan ergada iyo wafuuda kale ku soo qul-qulaya magaalada Jowhar.

“Hoteellada qaar waa buuxaan, qaarkoodna waa faaruq halka qaar kalane si qarsoodi ah loo kireeyo, waxeyna sababtu tahay Al-Shabaab ayaa usoo hanjabay milkiiliyaasha oo reer Jowhar ah,” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiinta ku sugan Jowhar.

“Magaalada gudaheeda cabsi weyn kama jirto, ciidamo ayaa buuxo, wadooyinka qaar waa la xiray laakiin hoteellada waa la soo wacayaa waana loo hanjabayaa waana sababta qaarkood ilaa hadda u xiran yihiin,” ayuu yiri masuulkaan aan la hadalnay oo ku sugan Jowhar.

Si kastaba, qaar ka mid ah hoteellada ayaa ku gacan seeray digniinta iyo hanjabaadda Al-Shabaab kuna dhiiraday inay qaabilaan martida.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe waxaa ku sugan boqolaal qof oo isugu jira, ergooyin, odayaal, siyaasiin xildoon ah, kuwa ka socda dowladda dhexe iyo shaqsiyaad kale.

Magaalada ayaa la ciir ciireyso dadkii ugu badnaa waxaana loo diyaari garoobayaa doorashada maamulka oo ku aadan bartamaha bisha November ee sanadkaan. Sidoo kale waxaa la filayaa in wufuud kale ay gaaraan Jowhar maalmaha soo socda.