Maxaa ka dhaxeeya dilkii Xuseen Dheere iyo xariga G/lle Ismaaciil Cabdi Maalik?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Jimcihii waxay degmada Dayniille ku dileen laba xidigle Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere) oo ahaa sarkaal howlgal ah oo qaraabo dhaw ay yihiin Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ku dhawaad muddo laba bilood ah u xiran arrimo siyaasadeed.

Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere) ayaa Arbacadii dhaweyd waxuu Muqdisho uga qeyb galay kulan odayaasha dhaqanka Hawiye ay ku dalbanayeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik.

Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin oo in ka yar sanad taliye ka ahaa guudata 16-aad ee Danab ayaa la reesteeyay kadib markii uu xafiiska baneeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre?

Inkasta oo aan la ogeyn cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dilka Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere), haddana dadka ehelka la ah waxay sheegeen inay ka shaki qabaan in dilkiisa ay ka dambeeyeen dad doonaya inay aamusiyaan dadka qeybta ka qaadanaya dadaallada lagu doonayo in Gaashaanle Ismaaciil uu xorriyadiisa dib u helo.

Nabadoona Maxamed Xaad, oo ay isku beel yihiin Gaashaanle Ismaaciil, ayaa dhowaa si adag ugu digay madaxda sarre ee dowladda federaalka Soomaaliya isaga oo shaaciyay inay jiraan xubno ka tirsan dowladda oo shirqool u maleegaya Ismaaciil.

Nabadoonka ayaa sheegay inay soo gaartay in la rabo in Ismaaciil loo wareejiyo xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku xiran yihiin dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab, isla markaana la rabo inay ku dhex dilaan xabsiga, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku dhaartay in tallaabo ay ka shallaayi doonaan ay ka qaadayaan xubnaha abaabulaya shirqoolka lagu khaarajinayo Ismaaciil Maalin.