Xildhibaan Jeesow iyo Cali Cosoble oo qoraallo isku weydaarsaday Facebook

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay ‘commenti ama aragti’ uu madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ka dhiibtay Post uu soo qoray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo deegaan ahaan Hiiraan ay ka soo wada jeedaan, kaas oo u muuqday su’aal.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sawir ay kula jiraan ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe waxa uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxuuna ku soo dul qoray, “HirShabelle State waay dhismeeysaa, si Nabad ah, xasilnoon, Baarlamaan cusub  guddoomiye cusub, madaxweyne cusub.”

Intaas kadib waxaa qeybta commentiga ama aragti dhiibashada su’aal u dhigneyd sidan ku soo weydiiyey Cali Cosoble Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, “Waxaan maqlay kursigaagii in Jubbaland la geeyey ee maxaa ka jira?”

Sida muuqata Daahir Amiin Jeesow iyo Cali Cabdullahi Cosoble waxay ku kala aragti duwanyihiin habka ay hadda ku socoto doorashada HirShabeelle, balse waa isku deegaan doorasho oo gobolka Hiiraan ayey kasoo wada jeedaan.

Cali Cosoble oo ka dhashay beesha Xawaadle waxa uu ku mabda’ yahay waxgaradka beeshiisa oo qabta in kursiga madaxweynaha Hir-Shabeelle aan lagula tartami karin Xawaadle,

Hasa yeeshee Daahir Jeesow oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ayaa u muuqda inuu qabo in kursigaas laga dhigo tartan furan, sida ay qabaan inta badan siyaasiyiinta beelaha kale ee HirShabeelle.

Waxaa la is weydiinayaa sababta Cali Cosoble uu su’aasha deegaan doorashada kursigiisa ku saabsan u weydiiyey Daahir Jeesow, balse taas ayaa u muuqata ‘kajin ama jees-jees’ sababtoo ah Daahir Amiin Jeesow dagaal dhanka afka ah ayuu ku qaaday hoggaanka Jubbaland, intii uu jiray khilaafkii kala dhexeeyey dowladda dhexe.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa si gaar ah madaxweynaha Jubbaland hadallo dhaleeceyn ah warbaahinta ugu mari jiray, isagoo markii uu yimid Muqdisho dowladda Farmaajo kula taliyey inay xirto oo dib uusan ugu laaban Jubbaland.

Waxyaabaha ugu badan ee Xildhibaan Daahir  uu ku dhiliilo Axmed Madoobe waxaa ka mid ah, xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya dowladda Kenya, iyo xoreyn la’aanta deegaanada ay Jubbaland ka joogaan Al-Shabaab.