Qaar ka mid ah safaaradihii Ethiopia oo la dhacay iyo arrin yaab leh…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Arimaha Dibada dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in xadgudubyo aan horay loo arag lagula kacay Safaarado dhowr ah oo ku yaalla dalalka Yurubta.

Tewolde Mulugeta oo ah Afhayeenka Wasaarada, ayaa sheegay in boqolaal muwaadiniin u dhalatay Ethiopia, ay u dhaceen dhismooyinka dhowr Safaaradood, waxa uuna farta ku goday inay ka talaabeen sharciga.

Tewolde Mulugeta, waxa uu sheegay in dadka qaar iyagoo awood sheeganaaya ay gudaha u galeen Safaaradahooda, hayeeshee taasi ay dowladu ka jawaabi doonto.

Safaaradaha lagu xadgudbay ee gudaha loo galay ayuu sheegay inay kamid ahaayen Safaaradaha Ethiopia ee Australia, London, Washington iyo Stockholm.

Tewolde Mulugeta, waxa uu tilmaamay in inta badan dadkaasi ay ka gudbeen iridka hore isla markaana u gudbeen gudaha Safaarada iyagoo qalqal galshay xasiloonida Safaaradahaasi.

Safaaradaha qaar ayuu sheegay in loo geystay rabshado iyo burbur kadib markii ay shacab careysnaa gudaha u galeen.

Sidoo kale, Tewolde Mulugeta oo ah Afhayeenka Wasaarada ayaa carab dhabay in dowlado ay kamid tahay Australia ay bilaawen inay dacwad ku soo oogan dadkii dhibkaas gaystay halka dowladaha kale ay ku guda jiraan sidii dadkaas sharciga loo horgayn lahaa.

Waxa uu intaa raaciyay in dowlada Ethiopia aysan ka biya diidaneyn inay wadahadal la furto dhinacyada horboodaaya fowdada lagu hayo dalka Ethiopia.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia waxa ay ku baaqday in muwaadiniinta ku dhaqan dalka dibadiisa ay muujiyaan xasilooni isla markaana ay u furan tahay in wixii dhibaaya ay usoo gudbiyaan Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com