Galmudug oo 1 shuruud ku xirtay xubnaha u tartamaaya Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo si habsami leh ay magaalada Cadaado uga socdaan xulista xubnaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa waxa ay Guddiga doorashooyinka dadban ee Galmudug soo saaren shuruud la sheegay in looga baahan yahay dadka doonaaya xubinimada.

Guddiga doorashooyinka dadban ee Galmudug waxa ay sheegen in shuruudahaasi ay yihiin kuwo lagu xalinaayo khaladaadka wakhti danbe imaan doona maadaama uu wakhtigu yahay mid cariiri ah.

Guddigu waxa uu sheegay in kamid noqoshada Aqalka Sare ay mamnuuc ka yihiin Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka ee doonaaya inay ka tagaan xilkooda amaba ay qabtaan xubinimada Aqalka Sare ee dalka iyaga oo xil haya.

Guddiga waxa uu sheegay inaanu suuragali doonin in Xubinimada Aqalka Sare ee dalka laga dhigo meel loo soo raadsada mushaar, balse ay u baahan yihiin in lagu saxo qaladaadka uu dalka tabanaayo.

Shuruudaasi kadib waxa ay Guddiga Musharixiinta ugu baaqeen in si dhaqsi leh ay kusoo gaaran magaalada Cadaado oo ah halka ay ka dhaceyso Doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Yuusuf Diiriye oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in dadka ka maqan magaalada Cadaado aysan wakhti danbe wax u heynin waxa uuna ku baaqay in dadkaasi ay soo gaaran magaalada Cadaado.

Maamulka Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qabsoomida xulista waxa uuna maamulka cadeeyay in wax waliba ay sidii loogu tallo galay u dhici doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com