Xog: Somalia oo madaxweynayaal ka dheereeyay Xasan yeelatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka howlgala Madaxweynayaal aan tiradooda lasoo koobikarin kuwaasi oo gabi ahaan uu shaqeynaayo Saxiixooda.

Madaxweynayaashaani qarsoon oo ka madaxbanaan Siyaasada dalka ayaa waxaa hadana moodaa inay ka dheereeyen Madaxweynaha rasmiga ah ee uu dalka leeyahay.

Madaxweynayaashaani aan muuqan ayaa waxa ay ka awood badan yihiin Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo ay xaruntoodu tahay Suuqa-bakaaraha, gaar ahaan Cabdulla shideeye.

Madaxweynayaashaani qarsoon ee ku shaqeysta saxiixyada Xassan Sheekh iyo guud ahaan kuwa Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa waxa ay kala gudbiyaan dukumiintiyo looga qaraabto ilaa dalalka kale ee nala dega Qaarada Africa.

Madaxweynayaashaani uu saxiixooda shaqeeyo ayaa maduufakeeyo Fiisooyinka, Baasaboorada, Warqado magacaabis ah oo kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha rasmiga ah, Warqado codsi ah oo lagu dhoofiyo qoysas badan.

YAA LA SHAQEEYA MADAXWEYNAYAASHA QARSOON

Madaxweynayaashaani qarsoon ee uu shaqeynaayo Saxiixooda ayaa waxaa la shaqeeya shaqsiyaad ku dhow dhow Xassan Sheekh iyo Wasiirada kale kuwaasi oo saxiix waliba u gudbiya shaqsiyaadkaani ka shaqeeya Cabdulla shideeye ee uu Saxiixooda shaqeeyo.

WAX SOO SAARKA MADAXWEYNAYAASHA QARSOON

Madaxweynayaashaani uu saxiixooda shaqeeyo ayaa awood u leh wax soo saar waliba iyagoo wada shaqeyn ka hela Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada, waxa ayna awood buuxda u leeyihiin inay soo saaran Fiisooyinka saxda ah iyo kuwa feega ah ee lagu meelmaro.

Waxa ay sidoo kale awood u leeyihiin inay soo saaran Baasaboorada kuwooda ugu adag oo ay isticmaalan Madaxda dalka, iyagoo la kaashanaaya shaqsiyaad ku jira dowlada.

Awoodahooda ayaa waxaa kamid ah inay soo saaran Wareegtooyin rasmi ah oo xilal lagu magacaabo kuwaasi oo qeybta hoose aad ka heleyso saxiix feeg ah oo loo muuqaal ekeysiiyay kan Madaxweynaha dalka.

XIRIIRKA MADAXWEYNAYAASHA QARSOON KALA DHEXEEYA DOWLADA

Madaxweynayaashaani qarsoon ayaa xiriiro fog la leh dowlada Somalia, waxaana xiliyada qaar suuragasha in qoraalada ay ku dhibtoodan Wasaaradaha qaar loo geeyo Madaxweynayaasha qarsoon, sidaana ay kusoo meelmariyaan.

DHAQAALAHA AY QAATAN MADAXWEYNAYAASHA QARSOON EE KA HOWLGALA CABDUL SHIDEEYE

Madaxweynayaashaani qarsoon ayaa ku shaqeeya lacago aad u gar kuwaasi oo ay ku maareeyan nolol maalmeedkooda, waxa ayna ka dhaqaale jaban yihiin Wasaaradaha iyo Xarumaha kale ee dowlada.

Dhinaca kale, Madaxweynayaashaani qarsoon ayaa halis ku haya dalka waxa ayna sidoo kale caqabad ku yihiin geedi socodka iyagoo ka ganacsada sirta dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com