Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo lacag cusub oo yaab leh lagu soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka bilaabatay arrin la yaab leh, kadib markii sida la sheegay lagu soo rogay lacago taakuleyn lagu sheegay.

Degmooyin ay ka mid Shibis, Shangaani, iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa shacabka degan guryaha qaarkood loo geeyey waraaq lagu weydiisanayo lacagta.

Dadka deegaanka ee degmooyinkan ayaa sheegay inay u yimaadeen Gudoomiye Waaxeedyada qaarkood kuna amray bixinta Qarash taakuleyn lagu sheegay, taasi oo amar waaye lagu yiri.

“Gudoomiye Waaxeedka ii yimid, wuxuu ii sheegay in aan bixiyo qarash, waxaana uu ii raaciyay inay tahay taakuleyn, waxaan u sheegay in aanan bixineyn taakuleyn amar ah, waligeeyna aanan maqlin.” Ayuu yiri qof ka midka ah dadka deegaanka ee degmada Shibis.

Waa markii ugu horeysay ee dadka reer Muqdisho laga qaado lacago lagu sheegay inay tahay taakuleyn oo aan lahayn macno ama shaqo loogu qabanayo.

Maamulka gobolka Banaadir oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inaysan wax ka ogeyn arrintan, lana xiriir doonaan guddoomiyeyaasha si ay wax uga weydiiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com