Madaxweyne XAAF iyo Ahlu-Sunna oo kala booday

Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in khilaaf xooggan uu ka dhex-qarxay madaxweyne Xaaf iyo maamulka Ahlu-Sunna.

Xog aan goor-dhow helnay ayaa sheegeysa in kulan u dhaxeeyey Madaxweyne Xaaf iyo Xubnaha Ahlu-Sunna ee ku biiray Galmudug uu is faham waa ku dhamaaday, ayada oo la isku qabtay doorashada Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Xubnaha Ahlu-Suna ee fadhigooda yahay Dhuusamareeb ay mabda’ ahaan aqbaleen in doorashada Galmudug ay dhacdo bisha soo socoto, taasi oo Xaaf uu aad uga soo horjeedo.

Madaxweyne Xaaf ayaa in muddo ah diidanaa doorashada Galmudug, wuxuuna marar badan ku adkaystay in muddo xileedkisa uu ka soo billaabanayo markii ay isku biireen Galmudug iyio Ahlu-Sunna, taasi oo macnaheedu yahay inay u hartay saddex sano oo kale.

Ahlu-Sunna ayaa marar badan qabtay fikir kaas la mid ah, hase yeeshee lama yaqaan waxa is-beddelay hadda. Waxaan sidoo kale la ogeyn in dowladda federaalka ah ay kaalin ku leedahay isbeddelka ku yimid Ahlu-Sunna.

Madaxweyne Xaaf ayaa meel cidlo ah kusoo dhici doona haddii uu Ahlu-Sunna ay garabkiisa ka baxdo, maadaama goor horeba laga diidanaa magaalada Cadaado.

Wixii xog ah ee arrintan kusoo kordha kula soco wararkeena dambe, Insha Allah.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com