Halkuu ku dambeeyay shirkii uu Xaaf ku baaqay?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa todobaadkii hore iclaamiyay shir madaxda maamul goboleedyada ka qeyb galayaan oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ma jiro wax jawaab ah oo ilaa iyo hadda madaxda dowlad goboleedyada ay ka bixiyeen qoraalka kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug, ee ku aadan inay shir wadatashi ah kaga qeyb galayaan magaalada Dhuusomareeb.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ka hor shirkaasi in madaxda Galmudug uu tagi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu kula soo kulmi doono masuuliyiin kala duwan.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Xaaf uu gacanta ku dhigay ku dhawaad Seddex Milyan oo doolar oo loogu talo galay mashaariic laga hergelinayo deegaanada Galmudug.

Safarka madaxweyne Xaaf uu ku tagayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa kadib dhici doono shirka uu ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, iyadoo aan la ogeyn inay ka wada qeyb gali doonaan iyo inkale.

Madaxweyne Xaaf iyo dowladda Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir aan wanaagsaneyn, waxaana Xaaf uu diidan yahay in muddo xileedkiisa uu dhamaaday islamarkaana doorasho ay ka dhacdo Galmudug bisha July.

Dowladda Kenya oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya ayaa markaan saameyn ku leh dhaqdhaqaaqyada maamul goboleedyada dalka, waxaana ay gashay kaalintii Ethiopia ku jiri jirtay.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xaaf ee madaxda dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com