Somaliland oo war cusub kasoo saartay xiisadda Sanaag iyo in Farmaajo uu…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee Xanaannada Xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Cukuse ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada ka tagaan bariga gobolka Sanaag, waxaana uu ku eedeeyey dowladda madaxweyne Farmaajo

Cabdilaahi Cukuse ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay ku daabushay bariga gobolka Sanaag aysan wax dhibaato ka geysaneyn deegaanadaas, balse ay nabad-galyadooda ka shaqeynayaan dadka deegaankaasi ku dhaqan, isla-markaana hormuud u yihiin in Dawladnimada Somaliland gaarto.

Cukuse ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Maamulka Puntland uu siyaasadeynayso xiisada ka taagan deegaanadaasi, oo uu sheegay inay dabada ka riixeyso dowlada Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri

“Bariga Sanaag wuxuu ka mid yahay Somaliland, dhulkaasi wuxuu ahaa dhul nabadeed muddo badan, laakiin Maamulka Puntland ayaa Carqalad la soo doontay oo siyaasadeeyay Nabaddii halkaa ka jirtay”.

“Somaliland-na xaq bay u leedahay inay gaarto xuduudaheeda, Dadka deegaankaana waxaan u sheegayaa in Ciidammadu halkaa gaaran waxay hormuud u yihiin in Dawladnimadu halkaa gaarto, sidaa awgeed faa’iido mooyaane khasaare idiinkuma jiro”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Annagu mar walba Maamulka Puntland nabad baanu ugu yeernaa, markaanu xilka joogno iyo markaanaan xilka jooginba, Dawladda iyo Shacabka Somaliland-na sidaas ayay jecel yihiin, laakiin Innagu Cidda aynu is haynaa waa Maamul yar oo Muqdisho jooga oo Dawladnimadeena Carqalad ku haya, laakiin Maamulka yar ee Puntland inaynu Nabad ahaano waynu jecel nahay”.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com