Qaar ka mid ah xildhibaanada Habargidir oo gaaray Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Habar-gidir ee baarlamanka federaalka ayaa goordhow gaaray xaafadda Shiirkole, oo caawa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo Jeneral Saadaq John. 

Xildhibaanada gaaray halkaas ayaa waxaa ka mid ah  Cabdiraxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir Shuuriye iyo kuwa kale, si loo garab is-taago Jeneral Saadaq John, oo laga cabsi qabo in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadaan.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hadda soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah.”

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannadan ay degi doonaan deegaanka Shiirkole, mana cadda inta ay joogi doonaan iyo tallaabada ay dowladda qaadi doonto.

Go’aanka ay qaateen xildhibaanada Habar-gidir ayaa adkeynaya in dowladda ay weerar qaado, maadaama ay haystaan xasaanad, inkasta oo wax kasta ay ka suurtoobaan Farmaajo. 

Saadaq oo wata gaadiid dagaal oo badan ayaa caawa dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole, kadib markii ay dowladda ciidan badan dul dhigtay guriga uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaraadha Muqdisho.

Saadaq ayaa gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde ku laabtay shalay subax kadib markii madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu u ballan-qaaday inaysan dowladda soo weerari doonin, hase yeeshee maanta ayaa ciidamo badan la dul-dhogay.

Si kastaba, Saadaq iyo ciidankiisa ayaa xoog kaga gudbay barta koontarool ee Wadada Jaayga, ee agagaarka garoonka, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso, waxayna gaareen Shiirkole.