Guddoomiyihii degmada XAMAR JAJAB oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii Degmada Xamar Jabab, Maxamed Cabdi Axmed (Xayle) ayaa xalay lagu dilay weerar ay dabley hubeysan ku qaaday xilli uu sii gelayay hoygiisa oo ku yaalla deegaanka Sarkuuste oo ka tirsan Garasbaaley.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Dhamme) ayaa xaqiijiyay dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in kooxo bastoolado ku hubeysnaa, isla-markaana watay mooto bajaaj ay dileen Gudoomiyaha.

Maxamed Cabdi Axmed, ayaa xilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab loo magacaabay 5-tii bishii September ee sanadkii 2020.

Waa Gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag.

Dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa ku soo aadaya, xilli ay dhiilo colaadeed ay ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho, oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo Jeneral Saadaq John.