Qadar oo shaaca ka qaaday in Somalia ay ku hogaamin doonto yoolka 2040-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qadar ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dowladda Somalia ay ka taageereyso hiisgiga sanada 2040-ka.

Dowlada Qadar ayaa tilmaantay in Somalia ayaa kasii gudbeyso marxaladii adkeyd iyo burburka sidaa aawgeed ay muhiim tahay in lagasii gaashanto hiigsiga Somalia ee 2040-ka.

Wasiirka Qorsheynta Qadar Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit oo qaabilay wafdi uu hogaaminaayay dhigiisa Somalia Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Qadar ay ku khasban tahay in Somalia ay ka garabsiiso hiigsiga fog.

Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit, waxa uu sheegay in Somalia ay u gudubtay heerka fog oo ay ku sameysan laheyd qorshooyinka mustaqbalka, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay muhiim u tahay inay hesho dal kala shaqeeya hiigsiga 2040-ka.

Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit iyo Jamaal Maxamed Xasan ay kulankooda iskaashiga labada dal ee yoolka Soomaaliya ee 2040-ka ku qeexay in Qadar aan looga maarmi doonin in Somalia ay ku jiheyso hiigsiga fog.

Wasiirka Qorsheynta Dalka Qadar ayaa dhiggiisa Soomaaliya ku wareejiyay hanaanka hiigsiga Qadar ee 2030-ka iyo waxyaabaha ka qabsoomay ilaa hadda si Somalia ay ugu dayato.

Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ballan qaaday in Somalia ay ka taageereyso dhamaan dhinacyada dowladda,Arrimaha Bulshada iyo horumarinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, Wasiir Jamaal ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya iyo kaalinta ay ku leedahay ka qeybqaadashada horumarinta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar ayaa muujineysa sida ay ugu heelan tahay Somalia oo goor sii horeysay ku garab istaagtay khilaafka iyo duulaan Siyaasadeedka xulafada Sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com