Qadar siday ku maaraysay cad iyo caano la’aantii soo wajahday?

Waa goob lama degaan ah oo ku taalla xero lagu xannaaneeyo lo’da Qadar, waxaan lagu xiray qaboojiyeyaal, lo’da halkan waxaa naasaheeda lagu xiray aalad caanaha ka lisaysaa, dhaqashada lo’da waxay noqotay isha dhaqaale ee dowladda.

Sannad ka hor, Qadar ma aysan dhaqan jirin lo’da irmaanka ah, waxayna ku tirsanayd caanaha uga imaan jiray dalka Sacuudiga, balse hadda beerta Baladna ayaa lagu dhaqaa nafaf lo’ gaaraya 10,000, waxaana lo’dani laga soo dhoofiyay dalka Mareykanka.

Neefkii ugu horeeyay oo lo’ ah waxaa lagu soo duuliyay diyaaradda Qadar bil uun kaddib uu billaawday khilaafka u dhexeeyay dalalka khaliijka islamarkaasna dalkan yar ay go’doomiyeen dalalka carabta ee jaarka la ah.

Dhaqashada lo’da waxay Qadar uga dhigantahay astaan dahabi oo muujinaysa isku filaansho.

Maamulaha beerta lagu dhaqo lo’da Qadar Peter Weltevreden wuxuu yiri “qof kasta wuxuu rumaysanaa in tallaabadan aanu hergalynin balse hadda waan ku guulaysanay”

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ballan qaadeen sanad kaddib markii go’doominta la saaray Qadar inay soo saari doonan caano ku filan dalka.

5-tii bishii June sannadkii tagey, Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar waxay xiriirkii dublumaasiyaeed, ganacsiga iyo gaadiidka ay u jareen Qadar.

Waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto ururrada ragagixisada ee ammni darrada ka wado gobolka, waxayna sheegeen inay xiriir dhaw ay la yeelan doonaan Iiraan.

Qadar way beenisay eedaha loo jeediyay islamarkaasna diiday inay u hoggaansato codsiyo dhowr ah oo loo soo jeediyay.

Dalkan hodanka ah ayaa ku horumaray saliidda u soo saaro, wuxuuna u arkay cunaqabataynta dhaqaale mid looga soo horjeedo jiritaanka dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Sheikh Muxamed Abdulraxmaan Al-Thani wuxuu sheegay in go’doominta la saaray dalkiisa looga golleeyahay in dalalka khaaliijka ay doonayaan inay la wareegaan awoodda gobolka.

Colaaddii guunka ahayd

Qadar waxay ku eedeeysay in khilaafka dalalka khaliijka sannadkii lasoo dhaafay ay ka billaabatay weerar internetka ah oo lagu qaaday wakaaladda wararka ee dowladda taaso lagu daabacay hadallo kasoo baxay amiirka dalkaasi.

Waxaa lagu sheegay ‘Amiirka inuu tageero Maleeshiyaadka Xisbullaah ee dalka Lubnaan iyo ururka Xamaas ee ka dagaallama Qaza, isagoona ku anddacoonaya in Donald Trump uusan madaxweyne kasii ahaani dooni Mareykanka.

Ali Shihabi oo ah asaasaha ha’ayadda Arabia ayaa sheegay in khilaafka uu daboolnaa muddo 20 sanna ah balse muddo sannad oo kaliya ah ayuu kusoo shaac baxay.

Wuxuu intaasi ku daray in Cajalladdii soo baxday markii la dilay hoggaamiyihii Libiya Muammar Gaddafi sannadkii 2011-kii ay muujinaysa in aabaha amiirka Qadar uu samaynayay shirqool ka dhan ah qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Iiraan ayay tageero u raadsatay

Hadda, Qadar waxay furatay deked cusub oo ay ku kacday adduun gaaraya $7bn si ay uga gaashaamato cunaqabataynta dhaqaale ay kusoo roggeen dalalka jaarka.

Dekeddan cusub waxaa loo adeegsan doona in lagu soo dhoofiyo agabka lagu dhisaya garoomada ay ku marti galin lahayd cayaaraha adduunka ee sannadka 2020-ka.

Qadar waxay kusii dhawaanaysa Iiraan oo ay wadaagaan xadka badda iyo dhulka saliidda laga soo saaro. waxayna ku tiirsan tahay isticmaalka hawada Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibada Qadar Al-Thani wuxuu yiri ” Iiraan waa dal aan deris nahay oo uu naga dheexeeyo xiriir iskaashi iyo mid ganacsiba”

Mareykanka ayaa saldhiga militari ku leh dalkani.

Dadwyanaha reer Qadar waxay rajo ka qabaan in uu dhamaanayo go’doominta saaran oo kala goysay dadka qaraabada ah ee ku kala nool dalalka gobolka.

ISHA BBC