Xasan Sheekh oo cadeeyay aragtida uu ka qabo qodobada kasoo baxay Shirka Baydhabo (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maalmo un ka hor magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed kusoo dhamaaday shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo intuba khuseeya xal u raadinta abtalooyinka ka jira dalka, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin kala duwan.

Mas’uuliyiinta qaar ee ka hadlay qodobada kasoo baxay shirka waxa ay dhaliil ka muujiyeen tirro qodobo ah, halka qaarna ay muujiyeen taageerada shirka iyo qodobada kasoo baxay.

Haddaba Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah mas’uuliyiinta ka hadashay qodobada kasoo baxay shirka Baydhabo waxa uuna cadeeyay aragtidiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cadeeyey mowqifkiisa ku aadan qodobadii ka soo baxay shirkii Amniga Qaranka ee Magalada Baydhabo.

Isagoo ka hadlaayay shirka ayuu yiri “Waxaan bogaadinayaa mas’uuliyiinta ku heshiiyay ee saxiixay heshiiyada dhaxalgalka ah ee halkaas lagu saxiixay’’.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in ka mowqif ahaan uu aad u taageerayo shirka, waxa uuna tilmaamay inuu dhiiri galinaayo Madaxda heshiisyada isla gartay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ‘’Madaxda waxaan ku dhiirrigelinayaa, waxa ay isla soo oggolaaden iney ka gadaan hay’adaha iyo madaxda kale ee ay ku mataleen shirka si loo helo wadar-oggol waafaqsan xeerarka hadda jira iyadoo la sammeynayo ama la dhammeystirayo wixii dhimmaan xagga xeerarka si heshiisyadu u noqdaan kuwo dadka Soomaaliyeed iyo caalamka dalkeenna la macaamilayo ku kalsoonaan karaan’’.

‘’Duruufaha dalkeennu ku sugan yahay maanta awgeed, wadar-oggolku waa muhiim ee ha la sii dhammeystiro’’.

Xasan Sheekh, waxa uu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la taageero wixii dani ay ugu jirto Qaranka Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in qodobada laga soo saaray shirka ay yihiin kuwo khaldan.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa noqonaaya madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomara oo ammaanay qodobadii ka soo baxay shirkaas,waxana sidoo kale horay u taageeray Siyaasiyiin kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com