Qandaraasleyaal halis ku ah gabdhaha kufsiga ku wajahaya Soomaaliya oo soo baxay (Laba ujeedo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Soomaaliya iyo baraha bulshada todobaadyadii ugu dambeeyay  waxaa qabsaday warar sheegaya in kufsi loo geesto gabdho aad u da’yar kuwaas oo walaac ku abuuray waalidiin badna oo Soomaaliyeed.

Inkastoo ay xaqiiqo tahay meelaha qaar sidii falkii lagu dilay Alle ha u naxariistee Caashi Ilyaas oo 12 jir aheyd iyo dhacdooyin kale, hadane waxaa soo baxaya hay’adao iyo qandaraasleyaal abuuraya falal badan oo kufsi ah, kuwaas oo markii dambe beenoobay.

Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobaleedyada ayaa Caasimad Online u sheegay in ay jiraan shirkado isku xiran iyo hey’ado lacago ku qaata baahinta wararka been abuurka ah, islamarkaana laga leeyahay laba ujeedo oo aysan dad badan ku baraarugsaneen.

Hay’adaha iyo dadka ka faa’iideysanaya dhacdooyinka kufsiga ee ku xiran hay’adaha ajnabiga ah, ayaa beentooda waxay halis ku tahay dhibanayaasha saxda ah sidii Caa’isha Ilyaas oo kale, sababtoo ah marka ay beentu badato waxaa dadku beensanayaan xaqiiqda.

“Waxaa soo baxay kooxo iyo shirkado isku xiran oo buun buuniya kufsi aan jirin, si ay ugu soo qaataan qandaraas ka hortagaya kusfisa, sababtoo ah mashuurcyo badan ayaa soo xirnay”, ayuu Caasimada Online u sheegay Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya.

“Waxaan dul tagay oo aan xaqiijiyay ugu yaraan 5 kiis oo kufsi ah warbaahintana laga sii daayay waxayna noqdeen been iyo cabsi gelin”, ayuu yiri Sarkaal la hadlay Caasimada Online.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in aysan aheyn wax dhici kara in maalin walba la sheego “waxaa la kufsaday gabar 5 jir ah” sababtuna waxay ku sheegayn in ay tahay been abuur socda oo aysan warbaahinta kawar qabin.

“Maalin walba waxaan maqalnaa afar jir iyo shan jir ayaa la kufsaday, markii aan baarno been ayey ku soo dhamaataa”, ayuu yiri Sarkaalkaan aan la hadalnay oo katirsan Booliiska Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa aad looga hadal haayaa falalka kufsiga la xariira iyo afduubka gabdhaha waxa ayna arintaasi ay saameysay shacabka Soomaaliya. Xeer Ilaaliyaha Qaranka ee Soomaaliya ayaa dhowaan magaalada Muqdisho ka sheegay in nin 40 jir ah loo soo xiray kufsi uu u geestay gabar 5 sano jir ah sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa is weydiinayaan arimahaan ku saabsan kufsiga, waxayna qaarkood ay ku tilmaamayaan dacaayad iyo cabsi gelin, halka qaar kalane ay ku micneeyeen shirkado isku xiran oo magaalada soo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com