Qaramada Midoobay oo si aan horey looga baran uga hadashay weerarkii Ceelbaraf

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ayaa si kulul war uga soo saaray weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay Dowladda Soomaaliya iyo ATMIS ku doonayaan inay kaga hortagaan khatarta Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday ilaalinta guulihii illaa hadda laga diiwaan geliyey howlgalka ka socda Soomaaliya ee looga soo horjeedo Al-Shabaab ka hor inta aan kor loo qaadin tayada taageerada ciidamada amniga iyo howlgalka cusub ee ATMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dambiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalka argagixisanimada ah oo ay ula jeedaan weerarada ka imaanayo kooxda Al-Shabaab.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay dardar gelinta howlaha lagu sugayo amniga dalka oo ay qayb ka yihiin ciidamada ATMIS.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay oo ah mid kuwii hore ka kulul ayaa kusoo aadayo xilli in ka badan 40 Askari oo ka tirsan Askarta ATMIS lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Ceelbaraf 3-dii bishaan May, waxayna ciidamada la laayey kasoo jeedeen dalka Burundi.