Maxay ka wadahadleen Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Arbacadii soo saaray magaalada Muqdisho, wuxuuna safarkiisu ku qotomay ka shaqeynta qaabkii loo fasixi lahaa 16-ka xildhibaan ee gobolka Gedo ka soo galay golaha shacabka, kuwaas oo doorashadooda muran la geliyey, kadib markii kooxda Farmaajo ay 16 xubnood oo kale ay ku soo dhiseen Garbahaarey.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka wada hadlay xaalada dalka uu marayo iyo arrimaha doorashada madaxweynaha, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska Guddoomiyaha.

“Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulanka kaddib u hambaleeyay Guddoonka BJFS, isaga oo Eebbe uga baryay in xilka loo doortay uu ku asturo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xogo hoose oo aan ka helnay kulankaas ayaa sheegaya in Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan ay aad u gorfeeyeen, sida loo maarey karo khilaafka ka taagan doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo oo ay isku heystaan 32 xubnood oo lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Sanado badan kadib Maxamuud Sayid Aadan ayaa Arbacadii Muqdisho u yimid meel-marinta mowqifka Jubbaland ee ah in la fasaxo oo doorashada madaxweynaha ay ka qeyb galaan 16-kii xildhibaan ee Ceelwaaq lagu soo doortay.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa maalmahaan uu joogay wuxuu Muqdisho ka waday kulamo uu la yeeshay xubno ka tirsan xukuumadda, guddiga doorashooyinka heer federaal iyo xildhibaanada doorashadooda lagu muransan yahay, wuxuuna dadaal xooggan ugu jiraa, sidii loo fasixi lahaa xildhibaanadii ay Jubbaland ku soo dhistay Ceelwaaq.