DF oo codsatay in dhowr bil loogu daro waqtiga loo qabtay ee ku eg 17-ka May

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay hey’adda IMF inay dib ugu dhigto mudo 3-bilood ah qiimeynta dib u habeynta barnaamijkeeda dhaqaalaha.

17-ka bishan May oo ku beegan laba maalmood kadib doorashada Madaxweynaha cusub Soomaaliya oo dhaceysa 15-ka bishaan ayaa loo mudeysnaa in IMF ay bilowdo qiimeynteeda dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa warqad codsi ah oo ay si wadajir ah u saxiixeen waxay u direen IMF.

Warqadaas waxay dowladda Soomaaliya ku cadeysay in aysan awoodin in mudadaas kooban ay uga qeyb-gasho dib u eegista barnaamijka dib u habeynta IMF ee 17-ka May.

Gaabis $10 milyan ah ayaa jira bil kasta daqliga ay maamusho dowladda Soomaaliya, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay joojiyeen taageeradii miisaaniyadeed oo ay sii jireen Soomaaliya, kadib markii dib u dhacyo badan ay wajahday doorashada Soomaaliya.

Dib u dhacyadan awgeed, deeqaha taageerada miisaaniyada 2021 waxay ahaayeen oo kaliya $38 milyan, marka la barbar dhigo $170 milyan oo la filayey miisaaniyada inay gasho.

Ilaa hadda, dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya oo qayb ka ah qoondada IMF ee 2021 (SDR157 milyan) ayaa kaabid u ah dakhli-yaridaas, laakiin taageeradaas ayaa dhammaan doonta dhowr bilood gudahood haddii aanay Soomaaliya helin kabka misaaniyadda deeqbixiyeyaasha.

“Dib u dhaca doorashada iyo dakhliga dowladda oo yaraaday ayaa ka mid ah sababaha keenay inay dowladu codsato muddo kordhinta barnaamijka dib u habeynta maaliyada IMF ay ka caawiso Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay waraaqda ay DF Soomaaliya u dirtay IMF-ta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka aamusneyd arrintan, wuxuuna cosdigaan ka dhiganyahay in dowladdu aysan ku guuleysan fulinta heshiikii ay lagashay hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

IMF weli kama soo jawaabin codsiga dowladda Soomaaliya, waxayna arrimahaan dib u dhaca ah halis ku yihiin barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya, kaalmooyinka kale ee mashaariicda horumarinta ee caalamku siiyo Soomaaliya iyo kabka misaaniyadda dowladda.