Somali Debates oo diiday go’aankii DF kuna adkeysatay doodda musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Somalia Debates ayaa ku adkeysatay inay dhaceyso dooda musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, xili ay joojisay doodaasi Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in hay’adda la baxday Somali Debates aysan haysan sharciyad warbaahineed, kadib markii dhawaan ay waday qaban-qaabinta dood ku saabsan doorashada iyo musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Somali Debates ayaa taas beddelkeeda caddeysay in fasax iyo oggolaansho ay ka heystaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, [lambarka NGOD/Moifar0065/22].

Waxay sheegen in ay yihiin urur aan dowli aheyn oo diiwaan-gashan, hadafkooduna yahay abaabulka wada-hadalka iyo doodaha bulshada rayidka ee Soomaaliya oo dhan.

“Soomaali Debates hadafkeedu waa in bulshadu qeyb ka noqoto siyaasadda, iyadoo laga doodayo danta guud. Taasina waa danta qaranka, sharciga iyo diiwankana waxaan u marnay wadadii saxda ahayd, waanu ku sii socon doonaa sida qorshuhu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somali Debates.

Sidoo kale waxay sheegen in qorshahooda ku aadan dooda musharraxiinta madaxweynaha ay taageero buuxa uga heystaan shacabka Soomaaliyeed, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka, FEIT, NIEC iyo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo dhamaantood gacmo furan ku soo dhaweeyay hindisaha Somalia Debates.

“Soomaali Debates waxay og tahay inay jiraan kooxo wata dano khaas ah oo aan doonayn in Doodaha Musharixiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya aysan dhicin, danahaas oo ah dano gaar ah, mid siyaasadeed iyo mid xirfadeed – waana inaan qofna loo oggolaan inuu ka leexiyo danaha iyo ajendaha fog ee Soomaaliya ee ku wajahan Waddada Dimuqraadiyadda iyo Doodaha caafimaadka leh.”

Si kastaba, Arrintan ayaa imanaysa ayada oo shalay Wasaarada Warfaafinta ku wargelisay Hay’addaha Amnig iyo Booliiska gobolka Banaadir inay ka gutaan waajibkooda shaqo, ayna ka joojiyaan barnaamijyadaas ay wadaan illaa inta ay ka helayaan sharci ay wax ku tebiyaan.