Madaxweyne Farmaajo oo hal ku dhig lama filaan ah u xushay ololihiisa doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daahfuray ololihiisa doorashada kadib markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in doorashada la qabanayo 15-ka Bishaan.

Afhayeenka Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa bartiisa Facebook soo dhigay boor muujinayo ololaha madaxweynaha kaasoo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa adeegsaday halku dhigga “Isbeddel Doonka Socda” oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Cabdirashiid ayaa qoraalka uu soo dhigay facebook ku yiri “ISBEDDEL DOONKA SOCDA ee uu Hoggaaminayo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu dalka u horseedayaa adkaynta hay’adaha Dawladda, xoojinta amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, taabbogelinta siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha, iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada dadweynaha. 4-ta sano ee soo socota ISBEDDEL DOONKA SOCDA wuxuu dalka gaarsiinayaa horumar ballaaran oo dalka oo dhan ka hirgala.”

Waxa uu intaas ku daray “Haddii Isbaddalku noqdo qof in lagu baddalo qof iyadoo aan tixgelin la siinin waxqabadka uu la iman karo, waxaa ka dhalanaysa inay habacsanaan ku timaaddo dadaalkii joogtada ahaa ee la galiyay 5tii sano ee lasoo dhaafay dhismaha qaran Soomaaliyeed oo cagabiisa isku taaga.”

Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo la isku dayayey in xukunka looga tuuro in la doonayo Isbeddel uu dalka uu galo, balse hadda isagii ayaaba qaatay isbeddelka.

Sida ka muuqato oraahda uu Farmaajo kusoo galayo doorashada wuxuu doonayaa inuu xildhibaanada u sheego in ragga loolanka kula jiro aysan ka turjumi karin isbadal maadaama horey loo soo tijaabiyey.

Sidoo kale, waxaa loo fasiran karaa inuu Farmaajo doonayo inuu musharixiinta kasoo horjeedo ku tiimbareeyo inaysan dalka u horseedi karin isbadal taasoo la ogeyn sida ay u arki karaan xildhibaanada cusub ee codka laga sugayo.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo daah fur weyn u sameeyo ololihiisa xilli ay hal usbuuc kaliya ka hartay taariikhda loo asteeyay inay dhacda doorashada Madaxweynaha oo ku beegan 15-ka May 2022.

Farmaajo ayaa loolan adag kala kulmayo musharixiinta mucaaradka oo ah kuwa u midoobay sidii ay meesha uga saari lahaayeen, waxayna musharixiinta ololahaa ugu weyn ka dhiganayaan inay dalka u horseedi doonaan isbeddel.