Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland Qarax lagula eegtay Galgala.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada maamulka kuwaasi oo kusii jeeday dhanka Buuraha.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu qabsaday gaari nuuciisu yahay Cabdi Bile oo ay saarnaayen ciidamada maamulka Puntland oo xiliga Qaraxa kusii jeeday Buuraha.
Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ciidamo dhowr ah, waxaana burburay hal gaari oo kamid ahaa Kolanyada gaadiidka la qarxiyay.
Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa kusii jeeday Howlgal, waxaana la soo warinayaa in Qaraxa ay ka danbeeyen maleeshiyaadka Daacishta Somalia oo ku sugan qeybo kamid ah Galgala.
Maamulka Puntland wali kama uusan hadal Qaraxa, waxaana Gaariga iyo Ciidamada la socday la geeyay magaalada Bosaso.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

