Qarax culus oo ka dhacay duleedka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Deegaanka Weydoow ee dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay uu ka dhacay halkaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa qaraxa lala eegtay gaari nuuca raaxada ah oo Prado loo yaqaan oo uu watay nin ku lebisan deriiska Ciidamada Xooga dalka waxaana ku geeriyooday shaqsiga gaariga qaraxa lala eegtay watay iyo qof kale oo Mooto labbo lugooleey ah watay.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in Gaariga qaraxa lala eegtay uu kasii baxaayey Muqdisho oo uu dhankaa iyo ceelasha kusii wajahnaa.

Inta la ogyahay qaraxaasi oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso oo hareeraha wadadaasi la galiyay ayaa sababay geerida labbadaasi ruux hase ahaatee waxaa suurta gal ah in khasaaraha uu intaasi ka bato.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com