Dagaalki baarlamanka K/G oo xaqiijiyey tuhunkii laga qabay xukuumada Kheyre

Baydhaba (Caasimada Online) – Sida ay Caasimadda Online shaacisay waxaa uu dagaal aan waxba la’isula harin, oo kuraas la isla dhacay uu ka dhacay golaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay ka dhashay kaddib markii ay xubnaha baarlamaanka ku murmeen ansixita gudiga doorashada.

Dhawaan ayey ahayd markii ay inta badan guddigii hore ee doorashada is wada casileen iyaga oo u sababeeyey faragalin qaawan oo ay ku hayso xukumadda u hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre.

Hadaba maxaa laga fahmi karaa dagaalka barlamaanka Baydhabo ka dhacay?

Xubnaha ku dagaalamay golaha baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa ay direen farriin ah in wali xukumadda aysan ka waan toobin tuhunka iyo dareenka xun ay bulshada maamulkaas ka muujiyeen faragalinta.

Sida ay ilo xog ogaal ah Caasimadda Online u xaqiijiyeen, baarlamaanka isu gacan qaaday shalay ay inta badan ka cabanayey faragalinta xukuumadda Xassan Cali Kheyre ay ku hayso arrimahooda masiiriga ah.

Wali ma cadda in sanadkan doorasho lagu wada qanco ay ka dhici doonto Baydhabo maadama xukumadda ay weli qas ka wado doorashada oo ay dooneyso in musharaxiinta ay wadato ku soo baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com