Qarax culus oo ka dhacay Maqaaxi ku taalla magaalada Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax aad u xoogan.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Maqaaxi ay ku sugnaayen dad shacab ah kuwaasi oo ay soo kala gaaren khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha ku baxay Qaraxa ayaa sheegay inay ku nafwaayen ilaa laba ruux, halka dhaawac uu kasoo gaaray Afar kale.

Qaraxa kadib ayay ciidamada maamulka hawada ka saaren Isgaarsiinta waxaana halkaasi ka dhacay howlgal aad u ballaaran oo dad shacab ah lagu soo qabqabtay.

Qaraxaani ayaa noqonaaya Qaraxii labaad oo muddo ku dhow laba bil ka dhaca Gobolka Gedo.

Xaaladda ayaa iminka ah mid degan waxaana lasoo sheegayaa in Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ay ka socdaan howlgalo baaxad leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com