Video: Sheekh Shariif oo ka hadlay khibradii uu ka dhaxlay isku dhacii isaga iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay isqabqabsiga inta badan ka dhex dhasha madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kaasi oo sababa in mar walbaa ra’iisul wasaaraha xilka laga qaado.

Sheikh Shariif ayaa markaan sheegay inuu doonayo siyaasad taasi ka duwan, isagoo sheegay in qorshihiisa uu yahay in isaga iyo ra’iisul wasaaraha uu keensadaa iney isla dhameysan doonaan afarta sano haddii markale xilka loo doortaa.

Wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha ay isla shaqeyn doonaan inuu ku wargelin doono iney isla shaqeeynayaan ra’iisul wasaaraha ilaa uu ka dhamaanayo muddo xileedka.

“Waxaan markaan aan doonayaa siyaasad cusub oo ah in ra’iisul wasaaraha aan isla dhameysanaa muddo xileed hadduu wanaagsan yahay iyo haddii kalaba, sababtoo ah ma doonayo in la maqlaa wey isku dhaceen”ayuu yiri Sheikh Shariif.

Sheikh Shariif ayaa sanadkii 2011 waxay isku dhaceen Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ahaa ra’iisul wasaarihiisii, waxaana isku dhacaasi uu sababay in xilka uu waayo Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com