CADEYN: C/kariin Guuleed oo soo saaray Wareegto muran badan dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusein Guuleed ayaa soo saaray Wareegto uu ku hakinaayo shaqooyinka Hay’ado dhowr ah oo ka tirsan maamulkiisa.

Wareegtadani lagu hakinaayo shaqooyinka Hay’ado qaar ah, ayaa waxaa su’aal ka keenay Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole ee maamulka.

Wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug ayaa qaba in Wareegtadaasi lagu hakinaayo shaqooyinka maamulka qaar aysan waxba soo kordhineynin, balse ay u muuqato mid looga gaabinaayo howlaha maamulka.

Guuleed ayaa sababta hakinta ku sheegay in deegaanada maamulka ay ka dhici doonaan doorashooyin, sidaa aawgeedna uu ku mamnuucay shaqooyinka.
wareegto