Sawirro: Kulan taariikhi ah oo dhex maray musharax Jabriil iyo bulshada Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa soo dhoweyn iyo iso soo bax aan horey loo arag xalay kala kulmay bulshada magaalda Baydhaba ee gobolka Baay.

Kulankii xalay ayaa sidoo kale su’aalo ay Bulshadu ku weydiiyeen Jabriil Ibraahim Cabdulle, waxayna ahayd markii ugu horreysay taariikhda ee bulshada Baydhaba ay si toos ah su’aalo u weydiiyaan musharax madaxweyne.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay kulanka ayaa su’aalo weydiiyay Musharrax Jabriil, waxayna ugu horeyn wax ka weydiiyeen hadii uu ku guuleysto xilka waxyaabaha uu qabanayo.

Sidoo kale dhalinyaradii ka qeyb galay kulanka ayaa soo dhoweeyay inuu isku soo taago xilka Madaxweynaha, iyagoo sheegay in Musharax Jabriil uu yahay aqoonyahan dhalinyaro ah, isla markaana ay rumeysan yihiin in hadii uu ku guuleysto xilka inuu wax badan ka qaban karo xaalada dalk.

Musharrax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay nabada ka jirta magaalada Baydhabo, isagoo si gaar ah uga mahad celiyay Maamulka Koofur Galbeed oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan sida ay uga mira dhaliyeen nabada ka jirta magaalada.

Waxaa uu sheegay nabada ka jirta Baydhabo jid dheer loo soo maray, isagoo tusaale u soo qaatay xilli magaalada uu joogay sanadkii 1999 in Tikniko lagu soconayay, balse xaaladaas ay maanta ka duwan tahay.

Mr Jabriil ayaa waxaa uu ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray saddexda gobol ee haatan ka jira maamulka Koofur Galbeed, isagoo tilmaamay inuu horay uga soo qeyb qaatay howlo nabadeed hey’ada uu ka shaqeyn jiray ka fulisay deegaanada Koofur Galbeed,

Waxaa uu sheegay in hadii uu ku guuleeyo xilka Madaxweynaha uu ka shaqeyn doono sidii min tuulo illaa degmo loo gaarsiin lahaa nidaamka dowladnimada, dib u heshiisiin iyo adkeynta nabadgelyada, isla markaana dadka deegaanada ay soo dooran doonaan hoggaanka ay rabaan.

Musharraxa ayaa ku dheeraaday sida xilligan lagama maarmaanka u tahay in is bedel la helo, waxaana kulankan ahaa mid dadka ay uga riyaaqeen khudbadiisa iyo jawaabaha waafiga ahaa ee uu ka bixinayay su’aalaha la weydiiyay.

Waa Musharaxii horeeyay ee inta dadka soo hor-fariista su’aalo ay weydiiyaan uga jawaabo, waxayna tani  keeneysa in shacabka fursad u helo in Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha inay su’aalo weydiiyaan.

jab1jab2jab3jab4jab5jab6

Isha: Jowhar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com