Xildhibaano walaacsan oo shaki ka muujiyey arrin soo socota..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa walaac ka muujiyay in Somalia ay dib uga dhalato dowlad caadil ah, kadib markii ay shaki galiyeen qaabka ay wax u socdaan.

Xildhibaanada arrintaani qaba ayaa waxaa kamid ah Axmed Cabdullaahi Geelle Xaaf oo sheegay in dhalashada Dowlada Cusub ay hortaagan yihiin caqabado hor leh.

Xaaf waxa uu sheegay in dowlada Somalia ee wakhtigeedu gabagabada yahay ay saaxiib u noqotay is qabqabsi iyo kala aragti duwanaansho, waxa uuna tilmaamay in dowlada ugu macquulsan ay imaankarto keliya goortii xal loo helo dhismaha Aqalka Sare.

Xaaf waxa uu dowlada Somalia ku dhaliilay inaysan xal u heynin khilaafyada qaar, waxa uuna sheegay in walaaca ugu weyn uu yahay haddii muran la galiyo yagleelida Aqalka Sare.

Dowladda ayuu sheegay inay dayacday kaalinta Odayaasha dhaqanka, waxa uuna cadeeyay in Odayaashu ay yihiin kuwo aan marnaba uusan dalka ka maarmi doonin.

Xaaf waxa uu sheegay inay adag tahay in dowlad cusub ay dhalato Somalia inta ay taagan tahay dooda Aqalka Sare.

”Dhibta jirtaa waa aqalka sare oo meel uu ka yimid iyo sida uu yahay aan is leeyahay fikrad Soomaaliyeed iyo aqli Soomaaliyeed midna maaha, guurti waa la yaqaannaa oo shaqey leeyihiin gobolladey ka socdaan, arrimaha siyaasadda iyo hadday xumaadaanna way dhex galaan, laakiin tan macnihiisu waxa weeyaan baarlamaankii ayaa 54 lagu daray macnuhu waa saas”

”Aniga waxaan qabaa in dowladu ay dhaqaaleyso Odayaasha iyaga ayaa marjac u ah dalka, waa haddii aan dooneyno dowladnimo”

Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa ka digay in dhismaha Aqalka Sare lagu hubsado halkii sharciga u ahaa, waxa uuna walaac ka muujiyay in la baalmaro nidaamka saxda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com