Qarax culus oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka.

Jugta Qaraxa oo inta badan laga wada maqlay goobo farabadan ayaa waxaa ciidamada lagula eegtay nawaaxiga siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo lala eegtay gaari ciidan ayaa waxaa ku geeriyooday Seddax ka mid ah ciidamadii lasocday gaariga, halka askari kale uu soo gaaray dhaawac aad u daran.

Qaraxa kadib waxaa halkaa laga maqlaayay shanqarta rasaas xoogan oo la sheegay inay ridayeen tirro ciidamo la socday gaariga Cabdi bilaha ee Qaraxa haleelay.

Meydadka iyo Dhaawaca ciidamadii la socday Gaariga ayaa waxaa la dhigay xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibaayo xaaladooda Caafimaad.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ugu badan ee ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa lala beegsadaa ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com