Sawirro: Farmaajo oo la kulmay Golaha Wasiirada maamulka Puntland & Qodobo muhiim ah oo laga wada hadlay (Akhriso)

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shir Gudoomiyay kulan gaar ah oo uu la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa shir guddoominta shirka Golaha Wasiirada maamulka ku wehlinaayay Hogaamiyaha maamulka C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa.

Waxaa marti ku ahaa shirka Golaha saraakiil katirsan madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale, waxaana inta uu socday leysla soo hadalqaaday arrimaha maaliyadda iyo wada shaqeynta dowladda Federalka Somalia iyo maamulka Puntland.

Waxa uu kulanka si gaara uga dhacay dhismaha wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland, waxaa diirada lagu saaray oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee deeganada Puntland, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa.

Sidoo kale, waxaa Kulanka lagu falanqeeyay sidii maxkamadaha iyo hay’adaha cadaalada ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha dadka Soomaaliyeed ay ku xajiyaan oo afar labaad ka badan qiimaha ay bixiyaan shucuubta wadamada deriska ah.

Waxaa kaloo looga hadlay sidii dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somaliariline oo ahmiyad gaara u laheyd labada dhinac.

Sidoo kale waxaa looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.