Dagaal u dhexeeya maamulada Somaliland & Puntland oo ka socda deegaanka…

Bosaso (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa hadda ka socda deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Dagaalka oo leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu yimid kadib markii ciidamada Somaliland ay weerar ku qaaden Tukaraq.

Deegaanka Tukaraq oo ay weerareen ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku yaala fariisin ay leeyihiin ciidamada maamulka Puntland, waxa ayna hoostagtaa Degmada Laascaanood.

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gurmad ah ayaa ku baxay deegaanka Tukaraq oo hadda ay ku dagaalamayaan labada ciidan.

Ilaa iyo hada waxaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ay warbaahinta u xaqiijiyeen inuu weli socdo Saraakiisha iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale, warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay dagaal kula wareegen deegaanka Tukaraq, halka kuwa Puntland ay ka dagaalamayaan deegaan ku dhow.

Dhinaca kale, dagaalka ayaa kusoo beegamay xili uu maalinimadii shalay magaalada Garowe gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo soo dhaweyn balaadhan loo sameeyey.

Caasimada Online

Xafiiska Bosaso

Caasimada@live.com