Ciidamada Somaliland oo kuwa Puntland kala wareegay deegaan muhiim ah & Dagaal weli socda

Bosaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland.

Dagaalka oo saacadihii ugu danbeeyay sii xoogeysanaayay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in lagu kala qabsaday dhulal iyo fariisimooyin dhowr ah.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa goor dhow la xaqiijiyay in dagaal ay kula wareegeen gacan ku haynta tuulada Tukaraq.

Ciidanka Somaliland ayaa weeraray tuuladan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sababay in ciidamada Puntland ay isaga baxaan deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa hadda soo sheegaya in ciidamada Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan inay ku sugan yihiin tuulada Tukaraq.

Tuulada Tukaraq ayaa caan ku aheyd is horfadhiga labada ciidan, waxaana xusid mudan in horey dhawr jeer dagaal ugu dhexmaray ciidamada labada maamul.

Sidoo kale, Tuulada Tukaraq ayaa 86-KM waxa ay u jirtaa caasimadda Puntland ee Magaalada Garowe, waxayna ka mid tahay tuuladan deegaanada hoostagga Magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale, dadka ku nool Magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in ay jiraan Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dagaalkaasi ka dhashay.

Caasimada Online

Xafiiska Bosaso

Caasimada@live.com