Qarax ka dhacay guri ay ku sugnaayeen saraakiisha Al-Shabaab oo ay ku dhinteen…

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay guri ku yaalla deegaanka Beera Yabaal oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa mid xoogan, wuxuuna ku qarxay xubno ka tirsan kooxda oo la sheegay inay iyagu guriga ku dyaarinayeen qaraxaas.

Warbaahinta dowladda oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in qaraxan ay ku halaagsameen xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayna ku dhinteen illaa 6 dhagarqabe.

“Maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday Qarax ay sameynayeen Xili ay ku sugnayeen Guri ku yaala Degaanka Beera yabaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ilaa iyo Lix Khawaarijta ka tirsan ayaa ku geeriyooday Qaraxa ay sameynayeen Halka Dhaawaca uu gaarayo 4 dhagarqabe”.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxa maanta ka dhacay halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab qaraxaasi ay ku dhinteen xubno ka tirsan dagaalyahanadooda.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu jabiyay kooxda oo badanaa soo qaado weerar qaraxyo ah.